Faah faahin:-Taliyihii ururka 60aad ee Xoogga dalka oo lagu dilay dagaal ka dhacay Sh/Dhexe

22

Wararka aan ka helayno Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ku warramaya in degaanka Warciise oo duleedka ka ah magaalada Jowhar uu ka dhacay dagaaal u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidanka Dowladda, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Wararku waxaa ay shegayaan in degaanka uu ka dhacay dagaal culus kaasi oo si weyn looga dareemay degaanada ku xeeran degaanka Warciise oo duleedka ka ah magaalada Jowhar, waxaana la maqlayay jugta iyo dhawaqa rasaaasta, sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu gaystay Khasaaro xooggan, iyadoo dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay, waxaana la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Ciidan ka tirsan kuwa Dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan  Saraakiil.

Waxaa la xaqiijiyay in dagaalkaasi uu ku dhintay Maxamed Cabdiwahaab Faarax oo kamid ah saraakiisha hogaamineysay dagaalka iyo askar kale kadib markii  Qarax uu  haleelay gaari ay saarnaayeen, iyadoo la sheegayo in uu jiro khasaaro kale oo dhimasho leh oo soo gaaray ciidanka xoogga dalka.

Maxamed CabdiWaaxid ayaa ahaa sarkaal  firfircoon oo dadaal badan, wuxuu si weyn uga dhex muuqday ciidanka xoogga dalka qaybahooda kala duwan.

Waxaana Geerida Marxuumka siyaabo kala duwan uga hadlay Siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ka tacsiyeyay Geerida Taliyihii Ururka 60aad ee Xoogga dalka kornel Maxamed Cabdi Waaxid.

Dhanka kale waxaa lagu soo warramayaa in uu jiro khasaare soo gaaray dagaalamayaasha Al-Shabaab oo iyagu soo weeraray degaanka Warciise, waxaana warar hoose ay tilmaamayaan in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay ku dhinteen dagaalka, sidoo kalena gaadiid laga gubay.

Wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka helayno degaanka Warciise oo duleedka ka ah magaalada Jowhar ee gobalka Shabeelada Dhexe ayaa ku warramaya in goobihii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.