Faah Faahin:-Weerar Lagu Qaaday Saldhig Ay Ku Sugnaayeen Ciidamo

60

Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay ku warramayaan in xalay Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin dhinaca bari ee Magaaladaas.

Dad  Jowhar ayaa u sheegay inay saq dhexe maqlayeen dhawaqa madaafiic xoogan iyo rasaas daba socotay, iyadoona shabaab weerar loo adeegsaday madaafiic ku qaadeen saldhiga Ciidamada.