Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax miino oo xalay ka dhacey wada warshadaha ee magalada Muqdisho
Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas uu si gaar ah kaga dhacay inta u dhexeysa laamiga mara xaafadda suuqa xoolaha iyo isgoyska Soos ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale wararka intaasi ku daraya in qaraxa uu ku qarxay raggii miinada ku aasayay halkaasi kuwaas oo gaarayey 4 qofood
Ciidamada amaanka ee degmooyinka Yaaqshid iyo Heliwaa ayaa halkaasi gaaray, waxaana halkaasi saaka lagu arkay meydadka raggii aasayay miinada, sida ay sheegaan dadka deegaanka.
Ilaa hada ma jirto faahfaahin dhacdadaasi la xiriirta oo ay bixiyeen laamaha amniga dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.