Faah faahino ka soo baxaya dagaal dhexmaray ciidamada DF iyo kuwa Kenya

59

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta dagaal kooban uu duleedka Beled-Xaawo ku dhex-maray ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

Dagaalka ayaa ayaa yimid, kadib markii ciidamada Kenya ee jooga xadka ay rasaas ku fureen dibad-baxayaal careysan oo ka tallaabaday degmada Beled-Xaawo, waxaana xigtay rasaas ay ku wajaabeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inĀ iska hor imaadka uu muddo kooban ka socday halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.