Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay Ceelasha Biyaha

83

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal xalay ka dhacay xaafadda Arbacow oo ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii saldhig milatari oo AMISOM ay ku leeyihiin halkaasi ay weerareen Al-Shabaab.

Ilo dadka xaafadda ayaa ayaa sheegay in ay maqlayeen rasaas lagu ridayay Saldhigga AMISOM ee Arbacow iyo mid kasoo dhaceysay goobaha hore ee xerada laga ilaaliyo oo ay ku jawaabayeen Askarta Midowga Afrika.

Sidoo kale muddo daqiiqado ah ayuu dagaalka socday, waxaana istaagay isu socodka Dadka u dhaw Xaafadda Arbacow oo xadidan xiliyada habeenkii, maadaama wixii ka dambeeya salaadda Maqrib uu istaago dhaq-dhaqaaqa dadka deegaanka.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka horreeyey intaba.

Todobaadyadii lasoo dhaafay saldhiggaan Arbacow oo ay sanado ku sugan yihiin Ciidamada Uganda oo qaybta 1-aad howlgalka Midowga Afrika ah waxaa ku kordhay weerarada Al-Shabaab.