Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Galgaduud

23

Ugu yaraan shan qof ayaa dhintay, tiro intaasi ka badana way ku dhaawacmeen, kadib dagaal maanta ka qarxay deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi, kuwaas oo isku heystay arrimo la xiriira dhul-daaqsimeed.

Sidoo kale ciidamada Xoogga dalka ayaa lagu soo warramayaa inay ku guul dareysteen inay kala dhex-galaan maleeshiyaad dagaalamaya.

Xiisada ayaa weli kacsan, mana jiro weli hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha amniga ee dowlad goboleedka Galmudug.