Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan

50

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geytay oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyey labo maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan inta u dhexeysa degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee gobolkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaas ku dhintay illaa 2 qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex kale.

Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka diriraya ay isku heystaan arrimo la xiriira dhul daaqsimeed, iyaga oo marar badan ku dagaalamay halkaasi.

Xaaladda ayaa haaatan kacsan, waxaana weli is hor fadhiya maleeshiyaadka labada Beel ee ku dagaalamay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.