Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

42

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhuxeeyey ciidamada dowladda, kuwa Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Baarsan-guuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhashay dagaal foolka fool ah, islamarkaana khasaare xoogan lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada huwanta oo howl-gallo ka wada halkaasi.