Faah faahino ka soo baxaya dagaallo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose

43

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaallo khasaare geystay oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Dagaallada ayaa ka dhacay nawaaxiga degmooyinka Baraawe iyo Qoryooley ee gobolka Sh/ Hoose, kadib markii ay weeraro ku soo qaadeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay inay ka hotageen, islamarkaan ay dagaalladaasi ku jabiyeen kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.