Faah faahino ka soo baxaya dil ka dhacay degmada Dharkenley

43

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil ay koxo burcad ah xalay wiil dhalinyaro ahaa ugu geysteen qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Dilka oo ka dhacay xaafada Macalin Nuur ayaa yimid, kadib markii ragga burcadda ah ay gurigiisa ugu dhaceen marxuumka, iyaga oo inta aysan dilin ka qaatay mobile-kiisa, kadibna toogasho ku dilay, sida ay warbaahinta u sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Ciise Yalaxow, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyarada deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inay goobta ka baxsadeen kooxihii ka dambeeyey dilka iyo dhacaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dambe tegay meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Maalmihii u dambeeyey Muqdisho waxaa ku soo badanayey kooxaha burcadda ah oo xilliyada habeenkii ah dhac baahsan ka geysanaya qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.