Faah faahino ka soo baxaya dil ka dhacay magaalada Beledweyne

32

Wararka laga helayo Beledweyne ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan ay ku dileen gudaha magaaladaasi nin si aad ah looga yaqaanay gobolka Hiiraan .

Marxuumka ayaa waxaa lagu magagacaabi jiray Xuseen Dhurwaa, waxaana la sheegay in isaga iyo ragga dilka fuliyey ay dhexmaray is-rasaaseyn kooban.

Sidoo kale waxaa goobta ka baxsaday raggii ka dambeeyey dilkaasi, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya marxuumka la dilay,waxaana wararka ay sheegayaan in uu ka mid ahaa hoggaamiyaasha Kooxda Macawiisleyda ee dagaalka kula jiro Al-Shabaab halka wararka qaar ay sheegayaan in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana ciidamada ammaanka HirShabelle ay howl-gallo ka bilaabeen gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.