Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay degmada Wanlaweyn

64

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhintay, halka uu ku dhaawacmay qof kale, kadib qarax maanta ka dhacay gudaha degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa wuxuu ka dhacay suuqa degmada, xilli ay ku sugnaayeen dad badan oo rayid ah oo uu khasaare kala duwan ka soo gaaray qaraxaasi.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gallo kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma cadda bartilmaameedka iyo u jeedka laga lahaa weerarkas qaraxa ah, balse inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa fuliso weeraradan oo u jeedkoodu yahay in lagu waxyeeleeyo shacabka.