Faah faahino ka soo baxaya weerar ka dhacay degmada Balcad

16

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar saaka aroortii hore maleeshiyada Al-Shabaab ay ka fuliyeen degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerarka uu xigay dagaal foolka-fool ah oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Guddoomiyaha Balcad, Qaasim Cali Nuur ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ka hortageen weerarka, wuxuuna beeniyey in degmada ay la wareegtay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay duleedka degmada, gaar ahaan dhinaca beeraha, halkaas oo khasaare lagu gaarsiiyey.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya oo dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabay halkaasi.