Faah faahino ka soo baxaya weerar ka dhacay gobolka Mudug

19

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar khasaare geystay oo xalay ka dhacay deegaanka Mareergur oo dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, kaas oo ay fuliyeen kooxo hubeysan.

Ragga fuliyey weerarka oo watay gaari nooca raaxada ah ayaa rasaas ku furay dad shacab ah oo ku sugnaa goob maqaaxi ah, sida ay noo sheegeen dad ku sugan Mareergur.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, iyadoona ay ku dhaawacmeen 7 kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inay baxsadeen kooxihii ka dambeeyey falkaasi, waxaana haatan socda baaritaano lagu baadi goobayo

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa deegaano ka tirsan Galgaduud ka taagnaa xiisado dagaal oo u dhexeeyo maleeshiyaad beeleedyo, taas oo loo sababeynayo weerarkaasi.