Faah faahino ka soo baxaya weerar ka dhacay magaalada Boorama

20

Warar kala duwan ayaa waxa ay ka soo baxayaan weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Weerarka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu qaaday xarun ay wasaaradda maaliyadda Somaliland ku leedahay gudaha magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku dhaawacmay, iyadoona uu burbur soo gaaray dhismaha xarunta iyo baabuur tiilay halkaasi.

“Abaaro 11:50  Habeenimo  waxa aan maqalnay dhawaq xoog wayn iyo quruurux jiingada guriga noogu soo daatay. ka dib waxa isku soo baxay dadkii jaarka ahaa, waxa la iswaydiiyay waxa uu ahaa iyo halkuu ka dhacay. Ka dib waxa aan la hadlay ilaalada Wasaarada Maaliyada oo aanu isku dhagsan nahay, waxayna ii sheegeen in bam ku soo dhex dhacay daarada wasaarada maaliyada, isla markaana gawarida dhextaala Xarunta muraayada qaarkood ka jabiyay ayuu yiri” Cabdi Rashiid Jaamac Guddoomiyaha garabka dhalinyarada Xisbiga Waddani.

Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidamada ammaanka Somaliland ayaa howl-gallo ka bilaabay halkaasi.