Faah faahino ka soo baxaya weerar ka dhacay magaalada Kismaayo

29

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah ee maamulka Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkaa loo adeegsaday bam-gacmeed, waxaana lagu tuuray maqaaxi ku taalla xaafadda Kuba ee magaaladaasi, xilli ay ku sugnaayeen dad badan oo rayid ah.

Inta la xaqiijiyey illaa afar qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi, kuwaas oo ka mid ahaa dadkii sugnaa maqaayadda la weeraray.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay goobta tageen goor dambe, islamarkaana ay sameeyeen howlgallo lagu soo qab-qabtay tiro dad ah.

Maalmihii la soo dhaafay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo intaba.