Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

29

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhaawacantay, kadib qarax caawa fiidkii hore ka dhacay agagaarka isgoyska Sayidka ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in la dhigay wadada dhinaceeda, iyadoo lagu soo dhex qariyey jawaan la soo dhigay halkaasi.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inuu baxsaday ruuxii waday qaraxa.

Xaaladda ayaa haatan ah mid degan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay isku socodka dadka iyo gaadiidka.