Faah faahino laga Helayo Dagaal Muqdisho Maanta Ka Dhacay

17

Faahfaahin  dheeraad ah ayaa laga helayaa  dagaal Maanta ka dhacay qeyb kamid ah degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warar  laga helayo halkaasi ayaa  sheegay in dagaalkii dhexmaray Ciidamada dowladda uu sigaar ah uga dhacay halka loo yaqaano Xaawa-Casir ee Kaaraan, waxaana dagaalka uu ku salka ku hayaa arrimo la xiriira dhul ku yaalla halkaas.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalka oo socday muddo kooban uu geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo goobta ka Agdhawaa.

Inta la xaqiijiayay Hal Canug oo baalashele ahaa ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka qof kalena dhaawac uu soo gaaray.

Xaaladda Xaawa-Casir ayaa haatan ah mid degan, waxaana Ciidamada dagaalamay oo ka wada tirsan Milateriga dowladda ay isku heystaan dhul ku yaalla deegaankaas, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga oo ku aadan dagaalka.

Ilaa iyo Hadda Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay  laamaha ammaanka ee dowladda federaalka soomaaliya eek u aadan dagaalkaasi .

Inta badan magaalada Muqdisho ayaa waxa ka dhaca Dagaal U dhaxeeyo ciidamo kawada Tirsan Kuwa dowlada  kuwaasi sababa Qasaaro  Soo gaarta dadka shacabka ah