Faah fahin Qarax Xalay Ka Dhacay Magaalada Baydhabo

54

Faahfaahino dheerad ah ayaa waxa laga helayaa  magaalada Beydhabo kuwaasi oo sheegaya in xalay Bam gacmeed ayaa lagu weeraray gaari uu saarnaa gudoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Beydhabo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in uu ku dhaawamay hal askari oo ka tirsaneyd ilaalada guddoomiyaha.

Sidoo kale goobjoogayaa la hadlay Najah Online  ayaa sheegaya in qarax miino uu haleelay gaariga guddoomiyaha.

Ilaa iyo hadda lama soo sheegin wax dhimasho ah goobta bamka uu ka dhacay waxaa halkaasi gaaray    ciidamada booliska oo baaritaano ka samaeyey

Xaalada magaalada beydhabo ayaa saakay ah mid degan waxana lama amaanka magaaalda beydhabo  ay sheegeyn in ay ku daba jiran kooxahii ka dambeyay qaraxaasi