Faahfaahin dheerad ah oo ka soo baxeyso weerar loo geestay Dumar oo ka dhacay Gobolka Galgadud.

23

Faahfaahin  dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay saqdii dhexe ka dhacay duleedka barri ee deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud,

Wararkana ayaa waxa  geysteen rag maleeshiyaad ah, kuwaasi oo u socday qaab aano qabiil ah sida illo wareedyo laga helayo Gobolka  Galgaduud , kadib markii ragaan hubeysan ay ka shakiyeen laba dumar ah oo ku sugnaa hoy ay deganaayeen, iyagoona rasaas dhowr ah ku furay, waxaana halkaas dhaawac culus ku gaaray labadii dumarka ahaa.

Durba waxaa ku soo baxaya Dhalinyaro ku sugnaa meel ku dhow goobta uu falku ka dhacay kadib markii  maqlay dhawaqa rasaasta ayeey  gaareen goobta, iyagoona  markaasi  gaari kusoo qaaday dhaawacyada dumarka,

Dumarkii dhawacmay ayaa waxaa loo qaaday Xarun Caafimaad oo ku taalla Magaalada Cadaado.

Dhinaca kale gaariga dhaawacyada lagu waday oo ku socday xawaare sare ayaa waxaa wadada u galay rag hubeysan oo maleeshiyaad ah, waxaana halkaas ku geeriyooday mid kamid ah dumarkii dhaawac ahaan loo qaaday iyo Nin la socday gaariga.

Sidoo  kale  weerarka rasaasta ee gaariga lagu furay waxa ku dhaawacmay laba rag oo kamid ahaa dadkii dumarka u qaaday Isbitaalka, iyadoona goobta ay ka baxsadeen maleeshiyaadkii hubeysnaa ee weerarada geystay.

Weli kama hadlin Maamulka Galmudug weeraradii xalay mar kale ka dhacay Gobolka Galagduud,

Dadkii ku dhacawamay weerarka ayaa lagu wadaa in saakay lagu aaso Galgadud iyadoo kuwii dahawaca ahaa loo qaaday dahnkaa iyo Magaalada Cadaado.