Faahfaahin ka soo baxeyso dagaal dhex maray ciidamo ka wada Tirsan Dowlada

34

Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxa ka soo baxaya  Dagaalka oo sida la sheegay u dahxeeya Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ka dhacay  Xaafadda Buundooyinka ee Degmada Waaberi, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha keenay dagaalka labada Ciidan, waxaana wararka horudhaca ah ee la helay ay sheegayaan in dagaalka u dhaxeeyay Ciidamada ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya uu ku  dhintay hal Askari mid kalena uu ku dhaawacmay.

Waxaa in muddo ah  hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka, sida  Goobjoogayaal  ay inoo sheegeen kuwaa oo ku sugan halka uu dagaalka ku dhexmaray labada Ciidan

Xaaladda  Goobtii uu dagaalka ka dahcay ayaa hadda ah mid degan mana jiraan wax dagaal  ah oo ka socda hadda

Inta badan Magaalada Muqdisho ayaa waxa ka dhaca dagaalo u dhaxeeyo Ciidamo ka wada tirsan Dowlada