Faahfaahin ka soo baxeyso Masjid la weeraray

27

Faahfaahin dheerad ah ayaa laga helayaa Koox hubeysan aan heeybtooda la garaneeyn oo rasaas ku furay masjidka Beder ee Guriceel ku yaala saladii maqrib kadib.

Wararka ayaa tilmaamaya in cid wax ku noqotay aysan jirin waxaana goobta soo gaaray ciidamada amniga ee degmada guriceel oo ku raadjooga ciddii ka dambeeysay falkaaas.

Masjidkaan ayaa kamid ahaa masaajidyadii ku xirmay dagaalladii Guriceel ku dhexmaray Al-Shabaab iyo ahlusunna waljamaaca iyadoona dhawaan ay dib u fureen maamulka shirkadda bader ee guriceel.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayay welwel ku abuurtay kooxda Masjidka weerartay.