Faahfaahin ka soo baxeyso qarax Caawa ka dhacay Galkacyo

38

Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxeyso Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu caawa ka dhacay Qarax khasaare geystay.

Qaraxa oo ahaa miino kuwa gacanta ah oo lagu tuuray ciidamo howlagal waday, ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan hal ruux oo shacab ah ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ku dhaawacmeen,
Ciidamada la weeraray ayaana Rasaas badan furay qarax kadib.

Ciidamada ammaanka maamulka puntland ayaana bilaabay Qaraxa ka dib baaritaano ay ku baadi goob ayaan kooxihii ka dambeeyay weerarka.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya xili Magaalada Gaalkacyo ay aheyd muddooyinkan danbe mid ammaan ah