Faahfaahin laga Helayo Askar lagu toogtay degmada Beydhabo ee gobolka Baay.

31

Faahfaahino kala duwan oo laga helay degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa waxaa ay tilmaamayaan  in askari ka tirsan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed oo dilay  askari kale,

Sidoo waxa la tilmamaay in askarigii dilka geystay goobta lagu dilay.

Dilka Askariga ayaa waxaa la sheegay in uu yimid, kaddib markii askariga la dilay oo lagu Magacaabi jiray  Mohamed Ogow uu Qorigiisa u dhiibay askari ay ka wada tirsanaayeen Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed laakin qorigiisii lagu dilay.

Meydka labada askari ayaa waxaa goobta ka qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta maamulka koonfur Galbeed, waxaana la sheegay in uusan jirin khilaaf ka dhaxeeyay askariga dilay askariga kale.

Arrintaani ayaa waxa ay u dhacday qaab kama ama lama filaan ah

Sarakisha  ciidaamda  darawiishka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya kama aysan hadlin sababta ka dambeysay dilkaan.