faahfaahin Qarax Ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha

36

Wararka naga soo garaya deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxa aya sheegayan in uu halkaasi Qarax miinada nooca dhulka lagu aaso lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Boliska Soomaaliya  waxaana jira khasaaro ka dhashay qaraxaas.

Warar dheeraad aha yaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa lala beegsaday Ciidamada Booliiska gaarka u tababaran ee Haramacad kuwaas oo ilaaliya Shaqaalaha iyo Ingineerada Shirkadda dhiseysa wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo dhismaheedu marayo isla deeganaka Ceelasha biyaha.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa ay ku dhaawacmeen Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska, kuwaas oo dhaawacooda loo soo qaaday dhinaca Magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah dadka ku nool degaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxaa ay sheegeen in muddo ka badan saacad ay hakad galeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka wadada xiriirisa Muqdisho & Afgooye wallow markii dambe dib loo furay.

Shaqaalaha iyo Ingineerada shaqada ka haya wadada xiriirisa Muqdisho & Afgooye ayaa dhowr jeer la qarxiyay, waxaana kasoo gaaray khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kuwaas oo weli Shaqadooda wata.