Faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya duqeymo ka dhacay koofurta Soomaaliya

92

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo saacadihii lasoo dhaafay ay diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen deegaano ka kala tirsan goboollada Shabeellada Hoose iyo Jubbada Hoose.

Duqeymahaas ayaa ka kala dhacay degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose iyo deegaan lagu magacaabo Goobaanle oo hoos taga degmada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Taliska AFRICOM oo war ka soo saaray duqeymahaas waxa uu sheegay in duqeynta ka dhacday Jamaame lagu dilay seddax xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana aysan waxyeelo ka soo gaarin dad rayid ah.

Sidoo kale warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa baahisay in duqeynta Jamaame lagu dilay nin Suldaan ahaa oo lagu magacaabi jiray Suldaan Maxamed Cabaas.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in duqeyn kale ay diyaaraduhu ka fuliyeen deegaanka Goobaanle oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, balse warbixinta AFRICOM laguma shaacin bartilmaameedka duqeyntaas.

Habeen ka hor ayey aheyd markii diyaaradaha Mareykanka ay duqeyn xoog leh ka fuliyeen deegaanka Tiyeeglow oo ka tirsan gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya. Taas oo la sheegay in lagu burburiyey xaruntii ay deegaankaas ku laheyd Idaacadda Al-Shabaab ee Al-Anduruus.