Faahfaahino ka soo baxaya weerar ka dhacay Kismaayo

31

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa laga helayaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland  in halkaasi weerar bambanao oo geystay khasaaro kala duwan uu xalay ka dhacay .

Weerarka bambaano ayaa waxaa la sheegeey in lagu qaaday goob lagu caweeyo oo lagu magacaabo balanbal oo ku taallo xaafadda guulwade,waxaana la sheegay in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen saddex Ruux oo isugu jira Shacabka iyo Ciidan.

Dadka ku dhaawacmay weerarkaasi bambano ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka kismaayo.

sidoo kale Ciidamada Jubbaland ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay kusoo qabteen Saddex Ruux oo Nabadsugida Jubbaland ay sheegeen inay fulin jireen weerarada bambaano.

Ciidamo ka tirsan booliska Jubbaland ayaa weerarka bambano kadib waxaa ay sameeyeen howlgallo ay ku qabteen dad farabadan, kuwaas oo la geeyay saldhiga Booliska Magaalada Kismaayo.

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa Kismayao ka dhgacay weeraro bambanao oo geystay khasaaro.