Faahfaahino ka soo baxaya Weerar uu ka badbaaday Duqa Magaalada Boosaaso

46

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya   weerar xoogan oo la damacsanaa in lagu qaado hoyga duqa degmada boosaaso cabdi salaan bashiir cabdisalaan  wererkaasi oo ay fashiliyeen ciidamada ilaalada guriga duqa boosaaso.

Weerarkaan ayaa waxa la tilmaamay  in ay doonayeen in ay qaadan xubno ka tirsan kooxda daacish,Waxaana la sheegay in iska hor imaad uu dhexmaray ciidamada ilaalada guriga duqa boosaaso iyo kooxdii weerarka damacsaneyd islamarkaasna uu ka dhashay qasaare kala duwan.

Saraakiisha taliska ciidanka booliska puntland ayaa sheegay in gacanta ay ku dhigeen hal ruux oo ka tirsan kooxdii weerarka damacsana islamarkasna waxa ay tilmaameen in ay goobta iska baxsadeen intii kale.

Waxaana la sheegay in isbitaal  loo qaaday ninkii ay nolasha ku qabteen ee dhawaca ahaa,wararka hoose ayaa sheegaya in ruuxaasi la qabtay uu isku dayay in uu baxsado balse aysan usuurtagalin.

xaaalada ayaa hadda aha mid degan waxana la soo warinayaa in laama amaanka ay ku raadjoogaan koox kale oo weli ku dhuumayesaneyso Boosaaso.