Sawirro:Faahfaahino ka soo baxayo Qarax Caawa ka dhacay Muqdisho

54

Faahfaahin dheerad ah ayaa waxaa laga helayaa Qarax xooggan oo ka dhacay Degmada Hodan.

Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa, waxaana la sheegay in Qaraxasi lala eegtay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha oo sida la sheegay marayay Goobta uu Qaraxu ka dhacay.

Qaraxa ayaa si gaar ah waxaa uu uga dhacay aga-gaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim, waxaana jira khasaare ka dhashay Qaraxaasi.


Dad Goobjoogayaal oo la hadlay Shabakada Najahonline.net ayaa sheegaya in jugta qaraxa oo ahayd mid xooggan uu jiro khasaare ka dhashay, balse ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaasi la sheegay in lala eegtay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.

Wasiirka shaqada iyo Shaqaalaha iyo ilaalo la socday ayaa ka badbaaday qaraxa waxana jira khasaaro soo garay dad shacab ah oo goobta marayay .

Laamaha ammaanka ayaa goobta soo gaaray, waxaana istaagay isku socodka guud ee aagga uu qaraxu ka dhacay, waxaana socda howlgallo lagu baadi goobayo dadkii qaraxasi ka dambeeyay.

Qaraxyada noocaan ah ayaa ka dhaca Magaalada Muqdisho, waxaana inta badan lala eegtaa mas.uuliyiin iyo Ciidanka Dowladda, iyadoo dad shacab ay ay ku baa’aan qaraxyada inta badan ka dhaca Muqdisho.