Faahfaahinta Dagaal dhexmaray Al-Shabaab & Ciidaanka Xooga Dalka.

62

Faahfaahino naga soo gaaraya gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal culus deegaanno hoostaga gobolka uu ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ururka Al-shabaab saakay barqadii.

Faahfaahinta dagaalkaan ayaa tilmaamaya in guutada 21aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen Nabad diidka Al-shabaab gaar ahan deegaanka lagu magacaabo Labi-dulle oo duleedka Dhusamareeb dhaca.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in weerarkaa oo ahaa mid qorsheysan ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab, laakiin dhinaca Al-shabaab wax war ah kama aysan soo saarin dagaalka ay khasaaraha ka dhashay intaba.

Kooxda Al-shabaab ayaa ku sugan deegaanno ka tirsan gobollada dhexe oo ay fariisimo ku leeyihiin , waxaana inta badan deegaannadaa ka dhaca iska horimaadyo dhaxmaray ciidamada dowladda iyo Nabad diidka Al-shabaab.

Dagaalkii saakay ayaa waxaa la soo sheegayaa in Al-Shabaab looga dilay tiro maleeshiyaad iyo sarakiil ah halka kuwa kale looga dhaawacay.

Xaalada deegaankii lagu dagaalamay ayaa degan waxana gacanta ku haya ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya