Faahfaahinta Guddoomiye Ku-Xigeen Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

66

Faahfaahino  dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax ka dhacay deegaana Siinka-dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho ah, Jugtiisana laga maqlay xaafado ku dhow deegaankaas.

Qaraxaas oo ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa qarxiyay xili uu marayay waddo ku taalla deegaanka Siinka-dheer, sida ay sheegeen dadka deegaanka qaarkood.

Wararka aan ka heleyno goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa  sheegaya in  qaraxaas ku dhintay  Guddoomiye ku-xigeenkii Siinka-dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dad goobjooge ah ayaa magaca Mas’uulka ay qaraxa ku dhintay ku sheegeen Cali Xuseen, iyagoona la xusay in qarax Mas’uulka gaarigiisa loogu soo xiray, isla markaana markii uu qarxay uu Marxuum Cali Xuseen goobta ku dhintay.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka deegaanka Siinka-dheer ee duleedka Muqdisho, hayeeshee qaraxaas ayaa waxaa uu kamid noqonayaa qaraxyo horey uga dhacay duleedka Muqdisho oo khasaaro geystay.

Mas’uuliyadda qaraxa ayaa waxaa Sheegatay uruurka Nabad diidka Al-shabab oo dagaalo iyo qaraxyo ka wada dalka