Faahfaahinta israsaaseyn dhex martay Ciidanka Dowlada iyo Koox hubeysan

30

Faah faahino kala duwan ayaa waxa ay ka soo baxayaan  is rasaaseynta  rag hubeysan iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya  ku dhex-martay agagaarka Isgoyska Dabka oo kala qeybiya degmooyinka howl-Wadaag, Hodan & Waaberi ee Gobolkan Banaadir.

Goobjoogayaal  ku sugan  isgoyska dabka ayaa waxaa ay sheegeen in rag hubeysan oo watay mooto iyo Ciidamo ka tirsan kuwa NISA qeybta dharcadka ay israsaaseynta dhex-msrtay,

Israsaaseynta ayaa waxa  ku geeriyooday Saddex ruux halka uu ku dhaawacmay mid kamid ah ragga hubeysnaa.

Dhinaca kale Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa sheegay in dablay mooto ka degtay ay rasaas ku furtay Ciidanka Dhar-cada ah ee ilaaliya Kaamirooyinka wadada taasna dhalisay Iska hor imaadka.

Ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah ragga weerarka geystay oo dhaawac ah, waxaana muddo hakad galay isku socodka dadka iyo Gaadiidka walow dib ay u bilaawdeen.

Xaalada ayaa hadda ah mid degan waxana goobta ku sugan ciidamo Boolis ah kuwaasi oo suga amaanka