Faahfaahinta: qarax caawa ka dhacay Beydhabo

43

Faahfaahin dheerad ah ayaa ka soo baxeyso qarax lagu soo Xeray mooto Bajaaj oo ku qaraxday bar-kontrool oo ciidamada Amaanka ay joogeyn caawa fiidkii

Laamaha amaanka Beydhabo ayaa sheegay in ay fashiliyeen Koox wadatay mooto Bajaaj kuwaasi oo doonayay in ay sameeyan qarax balse markey Ciidamada ay ka shakiyeen ay qarxiyeen Bajaajtii.

Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay labo dhagar qabo oo doonayay in ay fuliyaan qaraxaasi halka mid kale uu baxsaday sida ay cadeeyeen laamaha Amaanka KGS.

Cabdullahi Macalin Baari oo ka mid ah mas’uuliyiinta degmada Beydhabo ayaa warbaahinta u sheegay in la doonayay in lagu qarxiyo degaanka maguudi ee duleedka magaalada Beydhabo halkaasi oo farisin u ah Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mudane Baari ayaa tilmaamay in ciidamada Amaanka ay ku raadjoogaan mid la socday mootada kaasi oo baxsaday,halka labbo kale ay ciidamada gacanta ku hayaan.

Waxaa soconayo caawa baaritaano ay wadaan laamaha Amaanka Beydhabo.

Dhinaca kale warar madax banaan ayaa sheegaya in qaraxaasi ay waxyeelo la soo gaartay labo ruux oo mid uu Boolis yahay
Halka midka kale uu yahay shacab.

Wixii ku soo kordha halkan kala soco ku xirnoow