Faahfaahinta Qarax khasaaro geetstay oo ka dhacay duleedka Dhusamareeb

45

Warar  kala duwan ayaa ayaa waxaa laga helayaa qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta  ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug

 

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 21-aad, xilli ay marayeen deegaanka Sinna-Dhaqo oo hoostaga Caasimadda Galmudug.

 

Inta la xaqiijiyey illaa 2 askari ayaa ku geeriyootay qaraxan, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex kale oo ka mid ah ciidamadii qaraxa lala eegtay.

 

Weli ma jiro wax faah faahin ah oo laga bixiyey weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday, balse waxaa goobta gaaray ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa ammaanka maamulak Galmudug