Faahfaahinta Qarax ka dhacay Duleedka Muqdisho Goordhaw

201

Faahfaahin dheeraad aha yaa ka sooo baxeyso qarax goordhaw ka dhacay  deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Magalada Muqdisho

Wararka naga soo garaya Halkaasi ayaa sheegaya in kooxihii dilka u geystay guddoomiyihii waaxda shanaad ee degmada Kaxda ay  dilka ka dib kaxeystay gaarigii guddoomiyaha, waxey goobta uga tageen gaari ay ayaga wateen oo ay ku xiranyihiin walxaha qarxa, kaas oo ku qarxay isla goobta uu dilka ka dhacay.

Dhinaca kale  warar laga helaayo goobtaas uu qaraxa ka dhacay oo ah aagga Siinka-dheer waxa ay tilmamayaan  in guddoomiyaha lala dilay gabar ka tirsaneyd kooxda wacyi-gelinta COVID19 oo degmadaas ka howlgaleysay.

Sidoo kale waxaa jira dhaawac soo gaaray wiil la socday sida la sheegay guddoomiyaha la dilay.

Waxana hadda goobta uu qarax ka dhacay gaaray ciidamada Dowlada federalka Soomaaliay wixi ku soo Kordho Halkaan kala sooco