Faahfaahinta Qaraxyo Ka dhacay Shabeeladda Hoose

20

Faahfaahin ka soo baxeyso labbo Qarax oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho & dhaawac,

Qaraxyadaan ayaa waxaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagula eegtay duleedka degaanka leego ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxyada oo ahaa miinaca nooca dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lala eegtay Gaadiid ay wateen Ciidamada Bangaraafta ee uu Mareykanka tababaro xilli ay marayeen duleedka degaanka leego, iyaga oo ka ambabaxay Garonka diyaaradaha Balli-doogle, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo askarta kasoo gaartay qaraxa.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in qaraxa uu qabsaday mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada, isla markaana ay ku geeriyoodeen ku dhawaad lix Askari kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana askarta qaraxa ku dhintay kamid ah Nin lagu Magacaabi jiray Cabdirashiid Cali Guuleed.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee gobolka Shabeellaha Hoose weli kama hadlin qaraxaas.