Faahfaahinta Weerar ka dhacay Gobolka Baay & khasaaro ka dhashay

36

Faahfaahin dheerad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan werar geestay  khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay,

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal dhex-maray Ciidamada Dowladda & Nabad diidka Al-Shabaab.

Xubno ka tirsan Maleeshiyaadka  Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku bilaawday qaraxyo ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda ku leeyihiin degmada Qansax-dheere, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo saacado ah socday.

Degaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa waxaa laga  maqlayey dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana Xaafadaha qaar ee degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay kusoo dhacday rasaas farabadan.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda & kuwa Koonfur Galbeed ay duleedka degmadaasi ka wadaan howlgallo kala duwan,isla markaana xaalada ay tahay mid degan.

Warar aan la xajiin karin ayaa tilmamay in Ururka  Hubeysan ee Al-Shabaab ay sheegtay inay weerarkaasi ku dileen sarkaal lagu magacaabi jiray Cali Mad Yeeroow halka ay dhaawaceen ugu yaraan Saddex sarkaal oo kale, hayeeshee aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada  Maleshiyadda Al-Shabaab.

Sarakiisha Ciidamada Dowlad goboledka konfur Galbeed ayaa waxa ay Sheegeyn in dagaalkaasi  Alshabab ay kaga dileyn tiro badan oo Maleeshiyaad ah haddana ay ku raad joogaan firxadka qaar ka mid ah kuwii weerarka soo qaaday oo Goobta isga baxsaday .