FAO oo ka Digtay Qatarta Ayaxa ee Somalia

51

Hey’adda Beeraha iyo Cunada QM ee FAO ayaa ka digtay Ayax hor leh oo Soomaaliya ku wajahan,xilli ay dalka ka bilowdeen roobab wanaagsan oo lagu diirsaday.

Saraakiisha Xafiiska hey’adda FAO ee Soomaaliya ayaa sheegay in Ayax ka imaanaya dhanka Badda Cas uu ku fool leeyahay Soomaaliya gaar ahaan gobolada Bari ee puntland.

Hey’adda ayaa sidoo kale shaacisay in Ayaxaan uu yahay mid ka qatar badan kii sanadkii hore ka dilaacay dhulka Soomaaliya.

FAO waxa ay tilmaantay Inkastoo, dagaal lagula jiro Ayaxa ayaa haddana waxaa hey’addu ka deyrineysaa in arrintu cuslaan karto hadii Ayaxaasi geediga ah uu Soomaaliya sal dhigto.

Ayaxaan ayaa ka imanaya dhanka xeebaha wadanka Yemen iyo dhulka sare ee buuraha wadanka Itoobiya .

Sanadkii gore iyo horanta sanadkaan ayaa Ayax badan wuxuu baabi’yey dhul Beereed sidoo kale wali waxaa taagan saameyntii uu geestay hadii midkaan cusubna uu ku soo darsamo waxaa uu keeni karaa in beero iyo dhul daaqsimeyd Fara badan baabi’iyo. Hadii aan laga hortagin.