Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Ehelada Marxuum Cali Khaliif

34

Madaxweynaha Dowlad  Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan tacsi ah la qaatay qoyska iyo ehelada Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya ,Marxuum Cali Khaliif Galeyr ee ka soo qeyb galay Aaskii-qaran ee loogu sameeyey Muqdisho.

Madaxweyne  Farmaajo ayaa la wadaagay qoyska iyo qaraabada marxuumka in maamuuska Qaran ee Dowladda Soomaaliya ay u sameysay Ra’iisul Wasaare Cali Khaliif ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay u xasuusan yihiin doorkii uu ka qaatay dowladnimada iyo horumarinta dalka.

 Farmaajo ayaa yriri “Geerida, Alle ha u naxariistee, Ra’iisul Wasaare Cali Khaliif Galleyr ma ahan mid kaligiin gaar idin taabatay ee waxa ay ahayd mid si murugo leh ay wadajir u dareemeen shacabka Soomaaliyeed, maadaama Marxuumku uu dowladnimadeenna kaga tagay raad muuqda.”

Sidoo kale  Ehelada iyo qaraabada Marxuumka ee kulanka la qaatay ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya maqaamka sarreeyey ee lagu soo dhaweeyey iyo aaska Qaran ee loo sameeyey Ra’iisul Wasaarihii Hore Marxuum Cali Khaliif Galeyr.

Cali Khaliif Galeyr ayaa Todobaadkii hor ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana la sheegay inuu u dhintay Cudurka halista ah ee COVID-19, sida ay shaaciyaeen Madaxda  Dowlad deegaanka  Soomaalida Itoobiya

Marxuum Cali Khaliif Galeyr Meydkiisa ayaa  waxaa Aas qaran loogu sameeyay Magaalada Muqdisho kaasi oo ay ka qeybten Madaxda Dowalda Soomaaliya .