Farmaajo oo la kulmay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka

45

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho kula kulmay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Xildhibaanadan oo tiradoodu ay gaareysay 60 Xildhibaan ayaa waxay Madaxweynaha kala hadleen arrimaha doorashooyinka ee dalka, iyagoona ka dalbaday inuu dhiira-geliyo, sidii ay dalka uga qabsoomi laheyd doorasho qof iyo cod ah.

Kulanka waxa uu ahaa mid wax is weydiin iyo wax isu sheegid la xiriirta nidaamka dastuuriga ee dalka iyo shuruucdiisa, dhaqangalkeeda iyo hawlaha la xiriira doorashooyinka dalka iyo waxa markaasi kaga aadan fulinteeda Gole-yaasha Dowladda iyo Madaxweynaha oo isagu ah ilaaliyaha sharciga.” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa

Xildhibaan Dalxa oo la hadlay BBC, lana weydiiyay waxa kulmiyay iyagoo Xildhibaano intaasi gaaraya ayaa ku jawaabay “Waxaa isugu kaaya keenay anagoo hal shacab, hal umad iyo hal qaran ka wada tarjumeyno, oo waxa anaga hawshayada ay tahay ku dhaqanka iyo ilaalinta sareynta sharciga, oo aan la wadaagno Madaxweynuhu ayay ahayd. Xaaladda dalka lagu jiro iyo sida looga fadhiyo in xad-gudub iyo aano aysan imaanin, waxa la yiraahdo qalalaaso dastuuri ama in xeerkii iyo sharciyadii wadanka isku hayay inaanan noqonin wax hadda iyo wixii ka dambeeya mad madow soo gala, iyadoo beryahaan dambe waxyaabo fara-badan oo umadda ay is weydiinayaan iyo tuhumo fara-badan ay soo baxayaan, iyadoo Baarlamaanka iyo wixii go’aan iyo sharci horey uu u gaarayna, sidii iyada loo dhaqangelin lahaana looga fadhiyo.”

Su’aal ahayd waxa ka soo baxay kulankaasi oo la weydiiyay ayuu sheegay inay ka soo baxday inaanan la fara-gelin shuruucda uu meel mariyay Baarlamaanka Somaliya, ee ku aadan arrimaha doorashooyinka, isla-markaana aan dheg jalaq loo siinin ololaha ay Maamul Goboleedyada ugu jiraan, sidii dalka ay uga qabsoomi laheyd doorasho dad-ban.