Fatahaad Cusub Uu Sameeyay Webiga Shabeelle & Khasaaro Ka Dhashay .

96

Webiga Shabeelle ayaa fatahaad Cusub waxa uu ka sameeyay  qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Jalalaqsi,

Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan ayaa tilmaamay  in Webiga shabelle uu Fatahad ka sameeyay gudaha degmada Jalalaqsi iyo deegaano hoostaga degmadaasi,

fatahaada ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro dhimasho oo soo gaaray dad shacab ah.

Dhinaca kale dadka deegaanka qaarkood ayaa bilaabay barakac ay ka sameeynayan, kadib markii webiga shabeelle uu fatahaad xoogan ka sameeyay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Inta la xaqiijiayay  Afar qof oo laba kamid ah yihiin Caruur Walaalo ahaa ayaa  ku geeriyooday  Fatahaada  Webiga, xili ay doonayaan inay ka gudbaan biyo farabadan oo webiga watay.

Xaafaddo ka tirsan degmada ayaa lagu warramayaa in saakay ay biyo farabadan dhex-fadhiyaan, waxaana dadka  ku dhaqan halkaasi ay sheegayaan inay qabaan cabsi xoogan oo la xirrirta fatahaada Cusub ee uu sameeyay Webiga

Fatahaadani ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xilli Qeybo ka mid ah Magaalada Beledweyn uu ku fatahay Wabiga Shabelle .