FESOJ oo Tobobar Muqdisho ugu soo Xirtay 25 Saxafiyiin Ah.

23

 

Ururka Suxifiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ oo kaashanaya Hay’adda Qarmadda Midoobay ee UNSOM ayaa Magaaladda Muqdisho tobobar soconayay Saddex maalmood oo ku so saabsana Habka Wanaagsan ee Tabinta Doorashooyinka ugu so xiray 25 saxafiyiin ah oo ka Howlgala qaybaha kala duwan ee Warbaahinta Madaxa-banaan.

Wariyayaashan oo ah kuwa Hay’addahooda warbaahinta u tabinayaa Doorashooyinka Waxaa la baray, sida Doorashooyinka loo tabiyo iyo habka xakameynta Hadaladda nacaybka ah.

Wax yaabo badan ayaa hubanti la’aan ku sugan xilliga doorashada.runta ayaa noqota dhibanaha koobaad.

Siyaasiinta qaar iyo danaha xoogan ee gadaal ka riixaya waxaa ay sameynayaan si walba ee ay doorashada ugu guuleysan karaan, sida in ay laaluush bixiyaan ama been sheegaan iwm.

Siyaasiinta qaar ayaa isku dayaya in ay adeegga warbaahinta iibsadaan (Laaluushaan), waxaa ayna dhaqaale ku bixinayaa in xayeysiintooda siyaasadeed sida war loogu tebiyo.