FIFA oo Aqoonsatay Garoonka K/Cagta Studium Muqdisho

41

Ururka ciyaaraha Aduunka ee FIFA ayaa war uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in
30-sano kadib ururka FIFA uu garoon Caalami ah u aqoonsaday Tuulada cayaaraha dalka ee Stadium Muqdisho.

Aqoonsiga FIFA ayaa la macno ah in Tartamada caalamiga ah lagu qaban karo Muqdisho.
Dhinaca kale waxaa soo dhaweeyay Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada xukuumadda Federalka Soomaaliya.
Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Wasiirka wasaaradaasi Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa waxaa lagu yiri “Waxaa farxad inoo ah in FIFA ay aqoonsatay garoonka cayaaraha Muqdisho, waa guul u soo hoyatay dhammaan ummada Soomaaliyeed.”

Aqoonsiga FIFA ayaa shacabka soomaaliyed waxaa ay uga dhigan tahay Guul u soo hoyatay madama Garoonkan la mid noqon doono Garoomada Calaamka.