Cumar Filish oo isbedal ku sameeyey qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka

19

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa is badal ku sameeyay qaar kamid ah degmooyinka Muqdisho.

Guddoomiyihii hore ee degmada Xamar Jajab Guhaad Sh. Xasan ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee degmada Dharkeenley.

Xoghayihii degmada Dharkeenley Mudane Maxamed Suudi ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Xamar Jajab.