Finalka Koobka kubadda cagta dagmooyinka gobolka banaadir oo Galabta la Ciyaari doono

35

Galabta ayaa lagu wadaa in  garoonka Eng.yariisoow ay isku wajahaan ciyaarta kama dambaysta ah ee tartanka kubadda cagta dagmooyinka gobolka banaadir oo ay isagu soo hareen kooxaha dagmooyinka deriska ah ee Cabdi casiis iyo Shangaani.

kooxda kubadda cagta Cabdicasiis waxa ay wareega afar dhamaadka ee ciyaarta kama dambaysta lagu yimaada uga soo adkaatay kooxda dagmada Xamar Jajab oo ay ku kala baxeen rigoorayaal 3-I oo ay ku adkaatay kooxda Cabdicasiis.

Kooxda kubadda cagta ee dagmada Shingaani  ayaa u soo baxday tartan dhamaadka kubadda Cagta dagmooyinka gobolka Banaadir 2020 ,kadib Markii ay Gool ku laad uga badisay kooxda kubadda cagta dagmada Dharkeynlay.

Ciyaartaan ayaa waxa xiiso u yeelaya maadaama uu ka dhaxeeyo xafiiltan adag. waxaana la filayaa inay ka qaybgalaan masuuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir dowladda federaalka iyo bahda ciyaaraha dalka.

Sidoo kale Galabta waxaa la filayaa in garoonka ay soo buux dhaafiyaan taageerayaal farabadan maadaama  garoonka uu taageerayaasha labada kooxda u sahlanyahay imaatinka.