Gaadiidkii Ugu Badnaa Oo Ku Xayiran Magaalada Gaalkacyo (Waa Maxay Sababta?

28

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay ku xayiran yihiin gaadiid fara badan oo xamuul ah, kaddib markii ay xanibeen ciidamo gadoodsan degaanka Gelinsoor.

Gaadiidkaan oo sida shixnado kala duwan oo badeecado ah ayaa ku sugan wadada laamiga ah xerada Dhakaroone oo ka tirsan degaanka Gelinsoor, waxaana haatan socota waanwaan la isku dayayo sidii ay ciidamadaasi u fasixi lahaayeen gaadiidkaasi.