Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo dhawaan laga afduubtay Maxaas oo la sii daayay.

40

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in  maanta la sii daayay  gaari  Sida Shan qof oo dhawaan lagu afduubtay deegaano hoostaga degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii wadahadal ay galeen odayaasha dhaqanka, islamarkaana taasi waxaa ay keentay la sii daayo  dadkaan waxaana la sheegay in markii horaba loo heestay arrimo la xiriiro aano qabiil.

Gaariga ay saarnaayeen dad shacab ayaa la sheegay inuu ka ambabaxay magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud, islamarkaana uu ku sii jeediyay degmada Maxaas, iyadoona wadada ay u galeen maleeshiyaad hubeysan

Gobolka Hiiraan ayaa inta waxaa ka dhaca dilal la xiriira aanooyin qabiil.