Gabadhii laga Afduubtay Muqdisho oo Helay & raggii Afduubtay oo Gacanta Lagu Dhigay

54

Laamaha amaanka  dagmada Guriceel ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay gaari siday gabadhii shalay laga afduubtay  degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir .

Hibo Maxamed Xasan Jaamac oo 17 jir ah ayaa shalay waxa laga kaxeystay xaafada shanta geed Ee Degmada Howlwadaag .

Taliska Booliska ee Magaalada Guriceel ayaa la sheegay inay  hayaan Hibo oo ah gabadha la afduubtay  iyo dadkii waday.

Ehelada gabadhaan oo an la xariirnay ayaa inoo xaqiijiyay  in gabadhooda lagu hayo magaalada Guriceel e eGobolka Galgaduud .

Maalmaha  ama Saacadaha soo socda  ayaa la filaya ain la soo gaarsiiyo magaalada Muqdisho oo markii hore laga Afduubtay.