Gabar ardayad aheyd oo lagu Kufsaday magaalada Muqdisho, kadibna la dilay

61

Allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax oo ka mid aheyd ardayda sanadkan ka qalin-jibiyey dugsiyada sare ee magaalada Muqdisho ayaa saaka lagu aasay magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen qaraabada Xamdi Maxamed Faarax ayaa dhimatay kaddib markii Shalay lagu kufsaday degmada Waaberi kaddibna laga tuuray dhisme dabaq ah.

Soomaaliya dembiyada aan la xisaabin ee kufsiga iyo dilka wada socda ayaa ka dhacay magaalooyinka wadanka qaarkood, sida Garoowe, Gaalkacyo, Muqdisho iyo kuwa kale.