Gabar Miyir daboolan oo Caawa lagu soo tuuray degmada Howlwadaag .

57

Warar laga helay degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in gabar xaalad Miyir dabool ah ku jirto oo da’deeda lagu qiyaasay 18 jir caawa fiidkii lagu soo tuuray degmada Howl-wadaag gaar ahaan nawaaxiga Masjidka Nasrudiin ee degmadaasi

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gabadhaan oo labada gacmood ka xirneed, laga soo tuuray Mooto Bajaaj mareysay nawaaxiga Masjidka.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo goobta gabadha lagu soo tuuray isugu baxay ayaa Isbitaal u qaaday gabadha oo xaladeeda ay aheyd mid halis ah.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii la soo dhaafay ka jiray walaac la xiriiro afduub loo geysanayo carruurta iyo gabdhaha da’aadoda ka hooseyso 30 jirka.

Ilaa iyo hadda lama garanaayo Gabadhaan halka laga soo afduubtay iyo sababta sidaan loogu soo tuuray iyada oo xalad halis ah ku jirto.
Dadka deegan oo gurmad u fidiyay ayaa waxaa ay ula carareen isbitaal si loo daryeelo.
Wixii warar dheeraad ah Halkaan kala soco